axdiga kumeel-gaarka ah xisbiga midnimo-qaran

Report
Xisbiga Midnimo Qaran
The National Unity Party
MIDNIMO NABAD BARWAAQO
SOMAALIYA
©2014
Halkudhagyada Xisbiga
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Suuragal ma ha inaan Somaaliya isbeddel ku sameyno haddii ugu
horeyntii aanan bedelin aragtideena, hab-dhaqanka ururadeena iyo
qaabka aan uwajaheyno siyaasadda.
 Ilaahey ma beddelaayo xaaladeena ceebta iyo sharaf-darada ah ee aan ku
jirno xilligaan, haddii aynaan nafteena isbeddel ku sameyn.
 Ma rabno inaan ku noolaanno dacma-hoorsida beesha caalamka, ma
dooneyno inaan qaxooti ku noqonno wadamo dad kale leeyihiin. Waxaan
rabnaa inaan dalkeena kula noolaano sharaf iyo barwaaqo.
Xisbiga iyo Dastuurka KMG The National Unity Party
Xisbiga Midnimo Qaran
 Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, aasaaso, ka qeyb
galo ururo siyaasadeed, shaqo xirfad ama bulsho oo waafaqsan sharciga,
iyadoon amar la soo weydiin dowladda. (Axdiga KMG, qodobka 16)
 Sida sharcigu qabo, dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay
ka mid noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo leh qorshe siyaasadeed oo si cad u
qeexaya hadaf siyaasadeedkooda qaran. (Axdiga KMG, qodobka 22)
Hordhac
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Aasaasayaasha Xisbigu waxey ku qanacsanyihiin in xisbigu barbaarin karo
hoggaanka siyaasadda, lagu abaabuli karo bulshada, laguna hagaajin karo xiriirka
ka dhexeeya bulsho ku dhisan ehelnimo iyo Islaamnimo, iyo dawlad ku saleysan
muwaadinnimo. Xisbigu waxuu heshiisiinayaa dawladda iyo bulshada, dhaqanka
iyo arimaha casriga ah.
 Axdigaan ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Midnimo Qaran waxaa lagu maamulayaa
hawlaha Xisbiga muddo labo sano aan ka badneyn laga bilaabo 26 Feberaayo,
2014. Muddadaas labada sano ah gudohooda, waxaa dib-u-eegis lagu
sameyndoonaa Axdigaan si looga dhigo dastuurka rasmiga ah ee Xisbiga,
waxaana lagu ansaxinayaa shirweynaha Xisbiga.
Mabaadi’da Guud
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
1.
Xisbigu wuxuu si aan laab-laab laheyn ugu dheganyahay mabaadi'da lagu
dhisay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhigtay
Islaamka marjac kama danbeys u ah qawaaniinta dalka, wuxuu u
doodayaa in si dhexdhexaadnimo ah loo fasiro Islaamka, tilaabo-tilaabo
loo hirgeliyo, lagana hortago kala qaybsaanta bulshada iyo seef-laboodnimada.
2.
Xisbigu wuxuu u taaganyahay soo celinta iyo dhawridda midnimada
qaranka, iyo isku duubnida bulshada dagaalka sokeeye burburiyay ayada
oo la adeegsanaayo farsamooyinka Cadaaladda Xilliga kala-Guurka ah oo
ka shiidaal-qaadaneysa dhaqanka dadka iyo diinta Islaamka.
Mabaadi’da Guud
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
3.
Xisbigu wuxuu rumeysanyahay xornimada qofka iyo xuquuqda bulshada,
xukunka dimoqraadiga ah iyo adeegsiga mabaadi'da wada-tashiga ayada
oo la adeegsanaayo doodaha furan iyo wada-tashiga bulshada.
4.
Xisbigu wuxuu horseedayaa sareynta sharciga, hay'adeysnaanta,
federaalaynta, kala qaybsanaanta awoodaha hay'adaha dawladda iyo
madax-banaanida garsoorka.
5.
Xisbigu wuxuu utaaganyahay dhawridda karaamada insaanka iyo
xuquuqdiisa assasiga ah, iyo sinaanta dhammaan muwaadiniinta iyo
helitaanka adeegyada bulshada.
Mabaadi’da Guud
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
6.
Xisbigu wuxuu ku baraarugsanyahay ahmiyadda ay leedahay horumarinta
dhaqan-dhaqaale, taas oo muwaadin kasta la gaarsiinayo adeegyada
bulshada iyo fursadaha shaqo siinta ayada oo dhaxal-qarameedka iyo
bay'adda si habsami ah loo dhawrayo.
7.
Xisbigu wuxuu rumeysanyahay ahmiyadda ay leedahay in laga
qaybgeliyo dumarka iyo dhallinyarada siyaasadda iyo in la dhiso
muggooda si ay awood ugu yeeshaan iney si buuxda uga qeybgalaan
hawgallada siyaasadeed, iyo arimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
8.
Xisbigu wuxuu u taaganyahay hurumarinta mashruuca iskaashi
goboleedka ee shucuubta iyo dawladaha Geeska Afrika (regional
integration) iyo adkeynta calaaqaadka saaxibtinimo ee shucuubta iyo
dawladaha caalamka.
Ujeedooyinka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
1.
Xisbigu wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa midnimada qaranka ayada
oo la adeegsanaayo horumarinta iyo udoodidda cadaaladda iyo sinaanta oo
ku imaan karta in si buuxda loo dhaqangeliyo qawaaniinta dalka,
dhibaatooyinkii soo dhacayna lagu xalliyo farsamooyinka Cadaaladda
Xilliga Kala-Guurka ah si waafaqsan dhaqanka shacabka Somaaliyeed.
2.
Xisbigu wuxuu higsanayaa inuu noqdo xoogga siyaasadeed ee hogaamiya
dib-u-dhiska iyo horumarinta hay'ado dawladeed oo casri ah ayadoo la
adeegsanayo hannaanka dimoqraadiyadda iyo nidaam ku dhisan mudnaan,
kana hortegaaya qaraabo-kiil, qof-jeclaysi iyo kooxeysi.
Ujeedooyinka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
3.
Xisbigu wuxuu u ololeynayaa dhismaha hay'adaha amniga oo tayo sare
leh laguna barbaariyey dhawridda xuquuqda insaanka, kuwaas oo awood
u leh xaqiijinta amniga dadweynaha iyo buuxinta baahida nabadgelyada
qaranka.
4.
Xisbigu wuxuu u doodayaa abuurista nidaam-xisaabeed hufan ee
hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ah si looga hortago boobka hantida
guud, maamul-xumada, musuqmaasuqa iyo canshuur la cararka.
Ujeedooyinka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
5.
Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hirgelinta nidaam dhaqaaleed ku
dhisan kobcinta dhaqaalaha dadweynaha, abuuridda bay'ad soo jiidaneysa
maalgashiga, la bixitaanka khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta
kaabayaasha dhaqaalaha.
6.
Xisbigu wuxuu taageerayaa adeegsiga siyaasad firfircoon ee arrimaha
dibadda oo xaqiijineysa danaha qaranka oo lagu horumarinayo iskaashiga
shucuubta Geeska Afrika, calaqaadka iskaashiga sokeeye ee Somaaliya
kala dhexeeya dalalka Afrika, Carabta iyo Muslimiinta, iyo in lala yeesho
xiriir miisaaman ururada caalamiga ah iyo dawladaha aduunka si loo
hormariyo nabadda, amaanka iyo iskaashiga u dhexeeya ummadaha.
Ujeedooyinka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
7.
Xisbigu wuxuu horumarinayaa arrimaha dhalinyarada ayada oo la siinayo
fursado waxbarasho, loo dhisayo goobaha isboortiga iyo nasashada. Sidoo
kale, dhalinyarada waxaa loo sameynayaa fursado shaqo-siin si ay u
noqdaan kuwo ka qaybqaata hawlaha wax soo saarka iyo adeegga
bulshada.
8.
Xisbigu wuxuu horseedayaa fursado u abuuridda iyo dhiirrigelinta
horumarinta awoodaha dumarka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo
dhaqaalaha si ay u helaan qaybta ay xaqqa u leeyihiin ee siyaasadda,
bulshada, iyo dhaqaalaha.
Ujeedooyinka
9.
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hawlaha samafalka ah ee ay ka
shaqeeyaan hay'adaha aan dawliga aheyn iyo jamciyaadka sida ururada
bulshada rayidka ah, madaxda dhaqanka, awqaafta iyo Sakada. Waxaa
kale oo uu Xisbigu taageerayaa hal-abuurka ururadaas, korna u qaadayaa
xiriirka hay'adaha dawladda iyo kuwa aan dawliga aheyn si loo ciribtiro
saboolnimada iyo tabaalaysnaanta.
10. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa ciribtirka seef-la-boodnimo kasta, xoogadeegsiga iyo masuqmaasuqa loo isticmaalo in lagu gaaro ujeedooyin
siyaasadeed. Si gaar ah Xisbigu wuxuu ciribtirayaa xagjirnimada loogu
soo gabado magaca Islaamka, ayada oo la isticmaalayo istrateejiyad
baahsan iyo hawlgallo isku-xiran oo leh iskaashi goboleed iyo mid
caalami ah.
Ujeedooyinka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
11. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa in la gaarsiiyo muwaadiniinta adeegyada
asaasiga ah sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka qaybaha bulshada
tabaaleysan iyo fulinta barnaamijyada dib-u-dejinta bara-kacayaasha iyo
qaxootiga.
12. Xisbigu wuxuu horumarinayaa qurba-joogta Somaaliyeed, wuxuuna
abuurayaa hay'ado ku habboon oo gaarsiin kara adeegyada ay u
baahanyihiin. Dhanka kale, Xisbigu wuxuu ku boorrinayaa in ay ka
qaybgalaan qurba-joogta Somaaliyeed arrimaha siyaasadda, bulshada,
dhaqaalaha iyo hurumarinta dhaqanka.
Tabaha Hawlgalka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
Tabaha hawlgalka Xisbiga waxaa lagu soo bandhigayaa farsamooyinka
fulinta ujeedooyinka, barnaamijyada, siyaasaadka iyo mawqifyada,
waxaana ka mid ah:
1.
Ururinta muwaadiniinta Somaaliyeed ee rumeysan aragtida mabaadi'da
iyo ujeedooyinka Xisbiga si ay u noqdaan xubnaha iyo taageerayaasha
Xisbiga, wadajirna uga qaybgalaan dib-u-dhiska qaranka si waafaqsan
habka siyaasadda dimoqoraadiga.
Tabaha Hawlgalka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
2.
Dhisidda iyo joogteynta Hay'adaha Xisbiga heerka qaranka, dawladaha
federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta si waafaqsan hannaanka
dimoqoraadiga ah iyo maamul-wanaagga, taas oo u suuragelineysa xubin
kasta inuu helo xuquuq iyo fursado loo simanyahay.
3.
Horumarinta iyo soo shaac-bixinta hoggaan hufan ee heer qaran,
dawladaha federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta ayada oo kor loo
qaadayo mugga xubnaha, lagana qaybgelinaayo tartamada
doorashooyinka dalka ee xafiisyada adeegga dadweynaha.
Tabaha Hawlgalka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
4.
Sameynta isbahaysi-siyaasadeed iyo iskaashi dhexmara Xisbiga iyo
xisbiyada kale iyo hay'adaha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa si loo wada
xaqiijiyo ujeedooyinka ka dhexeeya.
5.
Adeegsiga warbaahinta casriga ah iyo qoraallada la daabaco si loo
baahiyo siyaasadaha iyo barnaamijyada Xisbiga, loona gaarsiiyo
arrimahaas taageerayaasha ugu badan.
6.
Qabashada shirarka, dood-wadaagyada iyo tababarradda si loo carbiyo,
loona layliyo xubnaha Xisbiga, loona fidiyo afkaarta iyo barnaamijyada
Xisbiga.
Tabaha Hawlgalka
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
7.
Sameynta ololayaasha siyaasadeed iyo banaanbaxyo si kor loogu qaado
abaabulka iyo taageerada dadweynaha, guulna looga gaaro
doorashooyinka.
8.
Horumarinta siyaasaadka, soo saaridda war-murtiyeedyada iyo soo
bandhigidda mawqifka Xisbiga ee ku aaddan dhacdooyinka waaweyn iyo
qadiyadaha dalka iyo dunida.
Dhismaha Guud ee Xisbiga
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Guddiga Fulinta Qaranka (GFQ)
 Golaha Dhexe Qaranka ( GDHQ)
 Guddiga Qaranka ee Shuruucda iyo Anshaxa (GQSHA)
 Kutlada Baaralamanka Qaranka (KBQ)
 Guddiga Fulinta Dawladaha Federaalka (GFDF)
 Kongareesyada Dawladaha Federaalka ah (KDF)
 Guddiga Anshaxa Dawladaha Federaalka (GADF)
 Kutlada Baarlamaanka Dawladaha Federaalka (KBDF)
 Laamaha Qurba-joogta (LQ)
Xubinnimada Xisbiga
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
1.
Waxaa xisbiga xubin ka noqon kara ruux kasta oo Somaali ah da’diisuna
gaartay 18 oo ku qanca mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha iyo
barnaamijka Xisbiga, haddii aanu jirin qodob sharci ah oo ka
horjoogsanaya in ay xisbiga ku biiraan.
2.
Qofka xubin ka noqonaya xisbiga waa in uu ballanqaadaa in uu dhawrayo,
kuna shaqaynayo mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha iyo barnaamijka
Xisbiga.
Noocyada Xubinnimada
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
1.
Xubinnimo guud: waxaa la siiyaa ruuxii xisbiga taageera laakiin aan isi
saarin mas'uuliyaadka Xisbiga (sida bixinta qaaraanka rasmiga ah, kasoo
qaybgalka shirarka iyo tabarradda).
2.
Xubin-sharafeed: waxaa la siiyaa ruux ku mutaystay hawl uu u qabtay
xisbiga dartiis.
3.
Xubinnimo rasmi ah: waxaa la siiyaa ruuxii ka qaybgalaya hawlaha
Xisbiga si dhameystiran sida ku tilmaaman xeer-hoosaadka.
Codsiga Xubinnimada
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Si qofku uu xubin uga noqdo Xisbiga waa inuu codsi xubinnimo u soo
gudbiyaa laanta Xisbiga ee degmadiisa ama dalka uu uga noolyahay
qurbaha. Codsiga waxaa lagu soo lifaaqayaa taageerada labo xubnood oo
rasmi ah.
 Xubin kasta oo Xisbiga ka mid noqota waxaa laga diiwaangelinayaa
degmada ama faraca degaanka qurbaha ee uu ku noolyahay.
Diiwaangelinta xubinnimada
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Diiwaanka Guud ee Xisbiga waxaa la dhigayaa xafiiska Xoghayaha Guud
iyo Xoghayaha Dawladaha Federaalka ah ee ay quseyso.
 Xubinnimada waxaa lagu keydinayaa xafiisyada Xoghayaha Guud iyo
Xoghayayaasha Dawladaha Federaalka ah.
Lambarka Xubinnimada
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Xubin kasta waa inuu qaataa lambar muujinaaya degmada uu ku noolyahay
oo laga rabo inuu ka hawlgalo.
Xilalka iyo Waajibaadka Xubnaha Rasmiga ah
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
1.
Dhowrista Axdiga aasaasidda, xeer-hoosaadka iyo siyaasadaha Xisbiga.
2.
Ka qaybqaadashada hirgelinta ujeedooyinka Xisbiga iyo
barnaamijyadiisa.
3.
Ilaalinta sirta Xisbiga iyo ka difaacidda dicaayadaha.
4.
Bixinta joogtada ah ee qaaraanka Xisbiga si waafaqsan xeer-hoosaadka.
5.
Ka qaybgalka joogtada ah ee hawlaha iyo kulamada Xisbiga.
Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
1.
Qaadashada aqoonsiga xubinnimada.
2.
Ka faa`iidaysiga dhismaha mugga iyo barnaamijyada tababarrada lagu
tayeynayo awoodda iyo kartida xubnaha.
3.
In la dhegaysto, lana siiyo fursad ay kusoo gudbiyaan fikrado iyo
hindisayaal lagu horumarinayo hay'adaha Xisbiga.
4.
Ka doodista iyo u codeynta arimaha Xisbiga.
Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
5.
In laga ilaaliyo Xisbiga dhexdiisa wax kasta oo sharaftiisa dhaawacaya.
6.
Inuu dooran karo, isagana loo dooran karo xilalka kala duwan ee Xisbiga.
7.
Waajibaadka iyo xuquuqda heerarka kala duwan ee xubinnimada waxaa
xeerinaya xeer-hoosaadka Xisbiga.
Xisbiga
Midnimo
Qaran
Waajibaadka iyo Xuquuqda Xubinnimada Guud The
National
Unity
Party
1.
Ka qaybgelidda shirarka guud ee Xisbiga.
2.
Ka qaybgelidda tababarrada iyo wacyigelinta guud ee Xisbiga.
3.
Qaadashada aqoonsiga xubinnimada guud
4.
Ka qaybgelidda doodaha lagu hormarinayo hawlaha xisbiga.
5.
Ka qaybgelidda ololayaasha doorashooyinka iyo qaraan u ururinta
murashixiinta.
.
Luminta Xubinnimada
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Xubinnimada Xisbiga waxaa lagu waayi karaa geeri, is-casilid iyo casilid.
Hannaanka waayitaanka xubinnimadana waxaa habeynaya xeer-hoosaadka
Xisbiga.
Macluumaad Dheeri Ah
Xisbiga
Midnimo
Qaran
The
National
Unity
Party
 Website ( english): http://midnimoqaran.so/eng/index.php/en/
 Website (Somali):http://midnimoqaran.so/som/index.php/en/
 Facebook: https://www.facebook.com/XisbigaMidnimoQaran
 Email: [email protected]

similar documents